Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Qof jooga meel 22 saac laga soomo, saacadahaas miyuu wada soomayaa mise fatwo qiyaas ah ayuu ku soomi karaa?

Jawaabta

Waxaan joogaa waddanka Iceland oo ah cirifka waqooyi, Ramadaanta maalintii waa 22 saacadood, qolyaha qaarkood 18 bay fatwo ku soomaan, marka 2daa qolo keebaan raacayaa?

Dadkaan ku soomo addunyada waqooyigeeda, oo saacadaha maalintu yaryahay, markaynu soo aruurino culimada casrigaan waxay u badanyihiin, inta qoraxdu soo jeedoo in la soomo, intay maqantahayna in la afuro marka haddii qoraxdu 2 saac ay idinka dhacsantahay 2daas uunbaad cunaysaa. Qowlka oranaya wax ha la cuno iyadoo qoraxdu soo jeddo dad badan ayaa fatwooda hadddana waa laga awood badanyahay oo qalbigu wuxuu ku dagayaa mar hadaad maalin iyo habeen kala soocan aad leedihiin, maalinkiina sooma, habeenkiina iska afura, sidaas ayay culimadu u badanyihiin.

Tixraac:




Fatwa logo