Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Qof qaadka ka shaqeeya ma la afuri karaa?

Jawaabta

Jawaab: Hadii maskiin tahay haa , xoolahaan masaakiinta inuu wada siiyo ayay ahayd. Qofka maskiinka ah xoolaha xaaraanta laga shaqeeyo sida Daroogada noocyadeeda kala duwan ,ribada , laaluushka iwm waa la siiin karaa. Xoolahaa xaaranta qofka ku soo galay waxaa waajib ku ah inuu is dhaafiyo , xagee geeynayaa? Dadka danyarta ah iyo danta guud(Jidad , Isbitaallo iwm) ayuu ku bixinayaa. Maskiinka waa la siin karaa ,maskiinkuna wuu qaadan karaa ayay ka dhigantahay . Kii la siin lahaa hadii aad tahay ,hadda siintii uunbay ka mid noqon . Hadii aadan ahayn dadkii masaakiinta ahaa ,xoolaha laga afurayana ay kuwii jaadka yihiin ,ha ka afurin . Waayo? Xaaranta inaad cunto kuuma banaana.

Tixraac:

(daqiiqada 30:40)

Fatwa logo