Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Qof xanuunkiisa la ogaan waayay , faaliye ma loo gayn karaa?

Jawaabta

 Qof xanuunsan oo xanuunka haya la ogaan waayay, ma loo geyn karaa qolyaha wax faaliya anigoo doonaya inaan xanuunka ogaado oo aanan rumaysnayn Faalka?

Waadba rumaysatay kol haddii aad u tagayso oo aad leedahay wax aan ka ogaado. Haddii aadan rumaysnayn ma aadan aaddeen.

Qofkii faaliye u taga waxay la mid tahay inuu diintii Nabiga ﷺ ka baxay, sida atharka ku sugan. Waxa maqan Alle ayaa og, dhibka iyo dheeftana Isagaa keena. Isagaa la baryayaa oo loo hoos galayaa.

Sida Nabi Ayyuub markii cudurku ku adkaaday Alle u baryayay, ayaynu Alle uga baryaynaa caafimaad. Mar ayuu qofku daawadiisii heli doonaa, intuu cudurku hayana dambi dhaaf ayuu helayaa. Marka waa waajib inaan Alle laga gaaloobin, nicmadiisana aan la dafirin, cid kalena aan wax loo moodin.

Tixraac:

Fatwa logo