Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qofka cudurdaarka leh inuu soomo iyo inuu afuro midkee u fadli badan?
Jawaabta
Qofka Soonku dhibayo ee cudurdaarka leh inuu soomo iyo inuu afuro midkee u khayr badan?
Haddaba dhibkiisu intuu gaarsiisanyahay ayay ku xirantahay , haddii uu dhibayo dhib aad u badan inuu iska afuro ayaa u khayr badan oo fasaxaa la siiyay uu qaato, kadibna markuu roonaado uu dib ka qadeeyo, haddii uu ka soo kaban waayana uu markaas dad afuriyo, soonka naftaada khatar galiya, waa kii nabigu scw yiri:
ليس من البر الصيام في السفر
Markuu arkay nin la rushaynayo oo soonka la dhibban.
Tixraac:


