Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qofka dhaawaca ah ee la duubo sidee u waysaysan?
Jawaabta
Wuxuu samaynayaa inta caafimaadka qabta ayuu mayrayaa, halka la kabay baddalkeeda gabagabaysi buu galinayaa illeen iyadii lama mayrayo, qofkii dhib looma gaysanayo oo balastarkii lagama fujinayo.
Laakiin goormuu gabagabaysiga samaynayaa? Wuxuu samaynayaa marka xubinka buka uu mayri lahaa buu galinayaa. Tusaale: haddii uu nabarka kaga yaallo gacanta , waqtigii gacmaha uu mayri lahaa buu gabagabaysiga galinayaa; kadibna wuu sii wadaa waysada, kabka dhaawaca saaranna wuu masaxayaa.
Tixraac:

