Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qofka haddii kabihiisa masjidka lagu xado, kabo kale ma qaadan karaa?
Jawaabta
Maya, nin la xaday wax sii xadi maayo. Xaaraan, xaaraan laguma saxo, haddii kabahaagii masaajidka lagaa qaatay ama xaflad ama meel aad fadhiday, iyagii uunbaad raadsan doontaa ama waad yaboohin ama qaar kalaad iska iibsan, laakiin qof kale kabihiisa inaad qaadato waa xaaraan.
Hadday xataa ku soo haraan kuwaasu, iskagama nasiibsanaysid oo ma oranaysid kolley kii kuwaaga qaatay uunbaa kuwaan lahaaye iskaga tag adigu.
haddii qofkii lahaa uu soo noqdo oo hadhoowto uu ku yiraahdo: Kuwaagii anigaa qaatee kuwaanaan lahaa, markaas waad is dhaafsan kartaan. Laakiin waxaadan hubin ciddii lahayd ha qaadanin..
Tixraac:

