Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qofka lugtii laga waysaysanayay ay ka go’antahay, maxaa ku waajib ah?
Jawaabta
Waxba waajib kuma ahan, xubnihii la mayrayay, ee Quraanka Alle ku sheegay ee 4ta ahaa, inta joogta uunbaad mayraysaa, inaad caagga furto oo aad masaxdaa waxba waajib kuguma ahan oo waxaa laga yaabaa mashaqo iyo dhibaato inay ka jirto lugta, haddii ay kuu baanantahay afka waad ka masixin, laakiin haddii ay kuugu jirto cagta caagga ah waxba laguma leh.
Tixraac:

