Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qofka salaadda Jimcaha ataxiyaadka ku soo garaa maxaa ku waajib ah?
Jawaabta
Salaadda Jimcaha haDduu qofku soo gaaro ataxiyaadka oo la fadhiyo, marka imaamku salaadda ka baxo ma Duhur buu tukan mise Jimco ?
Jimcaha waxaa lagu soo gaari karaa, rakcadda 2aad rukuucdeeda; Rakcadii 2aad rukuucdeeda haddaad ku soo gaartay, micnaheedu waxaa weeye rackadaa 2aad inaan soo gaartay, haddaad rackad ku soo gaartay imaamkii ,rackad 2aad uunbaad tukunaysaa, jimcihii waad soo gaartay. Haddii aad laakiin ataxiyaadkii salaadda u dambeeyay aad ku soo gaarto, 4tii rackadood ee duhurka ayaad tukunaysaa.
والله أعلم
Tixraac:

