Qofkee xaq u leh aruurinta Sakada?
Waxaa jira dadka qaarkood oo miyiga sako ka aruurinaya, cid u dirsatayna aysan jirin, meel ay gaynayaanna aan la garanayn ee sakada ma la siin karaa?
Sakada qofkii dowladdu u soo dirsato ayaa qaadaya. Haddii aysan dowlad jirinna masaakiinta ayaad toos u siinaysaa, ama qof ay masaakiintu u soo wakiilatay.
Cidse iska dhex taagaysa oo oranaysa: “Anigaa is magacabay oo masaakiinta sii siinaya,” waxay ku suurtagal tahay oo keliya haddii aad adigu wakiilato oo aad tiraahdo: “Hebelow, adigaa iga wakiil ah ee masaakiinta u qaybi.”
Laakiin qof aadan adigu wakiilan, masaakiintuna aysan wakiilan, waxba kuma socdaan. Waa sidaan ku arki jirnay wadaaddada miyiga qaar oo subaxdii sabeenta lugta qabanaya, iyadoo ay u xiran yihiin 50 qoys oo reerkooda ah oo sakada ka aruuriya. Haddii cid kale soo dhex gashana wuu ku dagaallamayaa. Arrintaas wax sax ah ma aha.
Wadaadku haddii uu faqiir yahay qayb baa la siinayaa, haddii uu qani yahayna sakadu kuma bannaana. Marka in wadaadnimo lagu qaato sakada iyo in qof aysan cidna wakiilan uu wakiil iska dhigto, labaduba sax ma aha.
Tixraac:
