Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Qofku asagoo salaadda ku jira haddii uu xasuusto inuusan wayso qabin muxuu samaynayaa?
Jawaabta
Salaadiisa waxaa laga waayay 1 shardi oo kamid ah shuruuddii ay salaaddu ku ansaxaysay oo ah dahaaradda. Mar haddii uusan daahir ahayn qofku ma ansaxayso cibaadadiisa ama salaaddaas.
لا يقبلُ اللَّهُ صلاةَ أحدِكُم إذا أحدَثَ حتَّى يتَوضَّأ
Midkiin Ilaahay salaaddiisa ma aqbalayo, hadduu wayso jabay ilaa uu waysaysto.
Markaa kolkuu xasuusto buu ka baxayaa, soo dahaaro qaadanayaa soo waysaysanayaa, kadibna salaadiii bilaabayaa. Hadduu markuu dhammeeyay xasuustana waa inuu ku soo celiyaa, shuraadaha saaladda ee shanta ah hadii mid ka mid ah la waayo, micnaheedu waxaa weeye , albaabkii salaadda baadan galin , banaankaad ka taagantahay.
Tixraac:

