Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Ruux baa igu yiri ma soomi karo ee fidyo iga bixi anna waan hilmaamay oo 2 maalin ka dib ayaan bilaabay inaan ka bixiyo fidyadii ee maxaan ka yeelaa 2daas maalin?

Jawaabta

Ruux baa igu yiri ma soomi karo ee fidyo iga bixi anna waan hilmaamay oo 2 maalin ka dib ayaan bilaabay inaan ka bixiyo fidyadii ee maxaan ka yeelaa 2daas maalin?

Su'shaas waxaan u malaynayaa waxay ku sallaysantahay fahan ruuxaasi fahansanyahay in maalin walba iyo fidyadeeda inay is raacdo oo ayna kala dib dhicin, fahankaasina laazim ma'ahann ruuxa soomi kari waayay(da', xanuun aan rejo lahay iwm dartood) ee fidyada bixinaya bishu hadday dhalato bisha gudaheeda wuu bixin karaa, sida ay qabaan culimada badankood maalin walba fidyadeeda inuu bixiyo wuu heli karaa, waxaa kaloo uu samayn karaa dhowr kii berriba wuu is raacin karaa 1 mar ama bisha dhammeedkeeda ayuu hal mar wada bixin karaa.

Tixraac:

Fatwa logo