Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Safka salaadda iyo kursiga sidee la isku waafajinayaa?

Jawaabta

Kursiga iyo safka sidee la iska waafajin ?

Markuu qofku kursiga ku tukanayo, hadduu safka ka baxo waa inuu qofku ku dadaalo safka inuu simo, oo nabigu  ﷺ  wuxuu ina faray safka 2 arrimood in lagu hagaajiyo: simidda la simayo iyo isku dhawaynta. In la isku dhajiyo safka si aanu shaydaanku u dhex galin dadka tukanaya iyo in la toosiyo.

 2daa arrimoodba wuu ina faray nabigu  ﷺ . Qofku markuu kursi ku tukanayo, kolkuu taaganyahay safka ha la simmo, kolkuu fadhinaya safka ha la simmo, taasu waxay ku imaan ku imaanaysaa inuu dhaqdhaqaaq yar sameeyo oo loo saamixi karo oo marku istaagana kursiga dib u yara qaadi karo, markuu fariisanaya in yar buu horay u qabsan doonaa si fadhiga ula uu ula simo, waa hadduu karayo. Haddaanu dhaqdhaqaaqi karinna sidaas fadhiga uu ugu fadhiyaa uunbuu ila simmni doonaa.

Fatwa logo