Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Sakada dalaga beerta; markuu soo go’o miyaan bixinayaa mise sanad markay yaallaan ayaan bixinayaa?
Jawaabta
Beer ayaan beertay, sakada dalaga markuu soo go’o miyaan bixinayaa mise sanad markay yaallaan ayaan bixinayaa?
Sakada ka waajibaysa miraha beera looma shardiyo in sanad u soo wareego; Alle wuxuu yiri:
وآتوا حقه يوم حصاده
Maalinkaad goosanaysaan xaqiisa bixiya.
Marka la goosto unbaa la qiimaynayaa inta saafiga ah, hadday ay gaarto 20 rati rar ama 700 oo kilo meelahaa waa laga bixinayaa sakadii.
Tixraac:
