Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Salaadda Cishaha dib waqtigeeda dib ma loo dhigi karaa?
Jawaabta
Haddii salaadda waqtigeeda laga dib dhigo oo ci'aasha'iga oo kale 11-ka la gaarsiiyo xukunkeedu waa maxay?
Sax ma'ahan, salaadda waa in waqtigeeda la tukadaa, waa waajib waqti leh, Ilaahay baa yiri;
( إن الصلاة كانت على المؤمنين كتابا موقوتا )
Salaaddu waa waajib muminiinta lagu waajibiyay oo waqti leh. Waqtigaas marka xaga horeeyana laga tukado waa waqtiga fadliga badan.
Xadiiskii saxiixa ahaa wuxuu nabigu ku dhahay:
أفضلُ الأعمالِ الصَّلاةُ لوقتِها
Camalada waxaa u fadli badan salaadda waqtigeeda xaga hore in laga tukado.
Tixraac:

