Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Salaatu layka imisa rakco ayaa la isku xiri karaa?
Jawaabta
Jawaab: Salaaddu laylku tiro go'an maleh intaad isku xiri karto , way dhacday nabigu 5 Rakco hal Ataxyaad leh inuu tukaday sida Saxiixu muslimka ku taalla. Wuxuu tukaday 7 rakcadood oo 2 ataxyaad leh oo tan 6aad intuu ataxyaadsaday isagoo salaadda ka bixin istaagay oo tii kalana ku daray. Wuxuu tukuday 9 rakcadood oo 2 ataxyaad leh. 3 hal ataxyaad lehana wuu tukuday. Hal mid baan la ogolayn 3 rakcadood oo 2 ataxyaad leh lama ogola oo maqribkii ayuu u ekaan. Nabigu wuxuu yiri : ولا تشبهوا بالمغرب Maqribka ha u ekaysiinina. Qaddarka tirada aad isku xirayso labo labo ayaa u fiican . Ka badanna way kuu furantahay.
Tixraac: l (daqiiqada 27aad)


