Soonku muxuu ku ansaxaa?
Soonku muxuu ku ansaxaa?
Si soonku kaaga ansaxo waxaa laga rabaa:
Inaad habeenkii niyooto, berri inaad soonkii Ramadaan ee waajibka ahaa inaad soomi doontid aad niyootid. Inaad ku hadashid waxba looma baahna, laakiin ku talagalka iyo qasadkaagu sidaas ha ahaado. Nabiga SCW ayaa sidaas yiri: qofkii aan habeenkii sii niyoon, soon uma jiro.
Waxyaabaha soonka jabiyo inaad iska ilaaliso inta u dhaxaysa aadaanka dambe ee subaxa ilaa qorax dhaca.
Islaanimada inaad ilaaliso ayaa la rabaa, haddii aad gaalowdid wuu burayaa.
In caqligiisu joog. Haddii uu waasho, soonkiisii wuu burayaa.
3 heer ayay garashadu noqotaa marka soonka laga hadlayo:
Mid waa hurdada, qofka hurda mid aan caqligiisu joogin ayuu shareecadu ula dhaqantaa, laakiin bisha Ramadaan qof soo jeeda ayuu la xukunyahay qofka hurda.
Nin toos u waallan waxba kama ansaxaan
Qof koomada ku jira 2daan ayuu u dhexeeya:
Maalinkii oo dhan hadduu miyir beelo qofka waallaan ayuu la mid noqon oo Soon kama ansaxayo.
Haddii uu qayb suuxo qaybna soo jeedo, waa sida qofka hurda oo soonku waa ka ansaxayaa.
Waxaa kale oo oo sababa in Soonku qofka ka ansixin waxyaabaha aadan adigu samayn ee jabiya soonka, sida gabar caadadu ku dhacday iwm.
Tixraac:

