Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Surwaal iyo shaati aan cowradayda muujinayan ma ku shaqayn karaa, haddii shirkaddu igu qasabto?
Jawaabta
Dibada ayaa joogaa, surwaal iyo shaati aan cowradayda muujinayn ayaan ku qasbanahay inaan ku shaqeeyo marka arrinkaasi ma banaanyahay?
Waan fahmaynaa waana arrin la xariirta shaqooyinka dhulalka gaalada oo aan loo qaarkood aan loo ogolayn gabar xijaab wayn inay ku soo shaqo tagto, markay dadaashana khimaar yar ayay raacin kartaa shaarkii iyo surwaalkii;
Marka ma fisixi karayno xijaab la'aan inaad ku shaqo tagto oo adigoo xijaabkii faralka ahaa iska tuuraya aad adduunyo raadsato. Meel laguu ogol yahay xijaabka raadso, ama dalkaagii iskaga soo noqo ama dalalka muslimiinta aad ama dad muslimiin ahoo kuu ogol xijaabka iyo shaqadu inay iskugu waafaqaan raadso; diinta iyo danaha adduunyo haddii ay is khilaafaan , adduunyada ka tanaasul.
