Tartan kubad oo aan maalgalinayo, haddii ciyaartoydiisu Soonka iska jabiyaan ma dambi ayaan ku leeyahay?
Waxaa la qabtaa tartanno waxa dhacda in ciyaartoyda qaarkood ay soonka soo jabiyaan ama caytamaan marka qofkii soo qaban qaabiyay dambi ma ku leeyahay?
Kubadda Ramadaanta la ciyaarayo waxay sabab u noqotaa dad badan inay soonka jabiyaan, marka qofka ciyaarayaa haddii uu u jabiyo soonkii ciyaartaa daraadeed dambi wayn buu ku dhacay arkaanta Islaamka mid ka mid ah ayuu ku xadgudbay, waxaa ku waajib ah inuu Ilaahay u tobadkeenno dibna ugu noqonin.
Haddii Ramadaan kubad la qabanayo habeenkii ha la qabto, laakiin haddii Casarkii la ciyaaro waa arin aan oran karno dad kalaa ka dambeeya, waxaana dhiiri galiya hay'adaha samafalka sheegta ee dadka kala dagaalama Ramdaanta. Marka qofka maalgaliya dambi ayay isku kaashadeen kan maalgaliyay iyo midka jabiyayba , marka qof Ramadaan sabab la'aan soonkii jabinaya in la kaaliyo waa xaaraan.
Tixraac:


