Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Uur jiifka sakaatu fidri ma ku waajibanayaa?
Jawaabta
Uur jiifka sakaatu fidri ma ku waajibanayaa?
Sakaatu fidrigu inuu ku waajibayo ilmaha uurka ku jira salafka in kooban baa qaba , sida Cumar Cabdicasiis iyo shakhsiyaad kale laakiin daliil malahan. maslaaddaanu oo culimadu badankood waxay qabaan ilmaha yar ee uurka ku jira inaan sakaatu fidri lagu lahayn. Haddii Ramadaan dhexdeeda dhasho ama sacaadaha ugu dambeeya ramadaaan waa lagu leeyahay balse hadduusan soo gaarin Ramadaaanta sakaatul fidri laguma leh.
Tixraac:


