Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Waaldikay ayaa geeriyooday Ramadaanta dhexdiisa, qayb ayuuna ka soomay kadibna xanuun ayaa ku soo booday ee intuu xanuunsanaa ma laga qallaynayaa mise fidyo ayaa laga bixinayaa?

Jawaabta

Waaldikay ayaa geeriyooday Ramadaanta dhexdiisa, qayb ayuuna ka soomay kadibna xanuun ayaa ku soo booday ee intuu xanuunsanaa ma laga qallaynayaa mise fidyo ayaa laga bixinayaa?

Qofku hadduu Ramadaan dhexdeeda dhinto isagoo oo aan fursad u helin bishii inuu soomo , wax soona iyo fidyo lagu leeyahay midna ma jiro, sababtoo ah umay suuroobin arrimahaanu, mana xadgudbin, sidaas daraadeed qofku markuu fursad u helo soonkii iyo qalihii ee uu samayn waayo ayaa laga soomaa, marka qofka ramadaan dhexdeeda dhintay intuu uu xanuunsanaa waxba laguma lahan.

Tixraac:

Fatwa logo