Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Waayeel aan soonka awoodin balse isku qasbaysa, xoog ma looga joojin karaa?

Jawaabta
  1. Waxaan hayaa hooyaday oo waayeel ah awood uma lahan inay soonto oo 5-ta galabnimo ayay suuxaysaa waxayna iga diiday inay afurto ee awood ma u sheegan karaa ?

Sida nabiga SCW ka sugan Alle sida waajibaadkiisa in loo sameeyo uu u jecelyahay si lamid ayuu u jecelyhay meelaha shareecada la fududeeyay in fudaydkaas loo qaato, diintuna ciriiri ma'ahan, is dhibkaasna waalidka aqoon daraa u keenaysa. Maxaa ka samaynayaa hadday ku adkaysato? Hadday naftiisu halis galayso ha laga daayo, hadday aysan halis galayn ha loo daayo oo markay awoodi wayso ha la afuriyo, waalidka oo miyirkiisa joogo qasab laguma afurin karo, ha soomo hadduu ku adkaysto, markuu awoodi waayana ha la afuriyo.

Tixraac:


Fatwa logo