Ku laabo bogga hore
Su'aasha
Walaalkay oo dayn lagu leeyahay sakada igu waajibtay dayntaas ma uga bixin karaa?
Jawaabta
Sakada aan bixinayo, walaalkay oo dayn lagu leeyahay dayntaas sakada ma kaga bixin karaa?
Walaalkaa haddii dayn lagu leeyahay, daynta uu galay hadday tahay wax waajib ah ama mubaax ah oo aanu xaaraan ku daymoomin, waad ka bixin kartaa dayntaas, sakada aad bixinaysidna waad uga bixin kartaa.
Laakiin sakada oo dhan hal qof ha siin. Dadkii kale u kala qaybi: masaakiinta, fuqurada, dadka daymaha lagu leeyahay iyo kuwa kale. Isagana qaybtiisa sii.
Tixraac:
