Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Xukunka caymiska?

Jawaabta

Sheekh waxaan dhagaystay mar aad ribada markad ka hadlaysay waxaa soo  hadal qaaday insurance-ga , marka sidee ayuu ribo ku noqday caymisku?

Waxaa laga yaaba inaan ku soo darnay iibabka aan hagaagsanayn.

 Caymiska waxaan la dhaho waa beec, waxbaa la kala iibsanayaa laakiin lama garanayo wixii la kala iibsanayay oo waxaa weeye, geerida iyo burburka kugu dhici doona ayaa kaa bixin doonaaye sii keen. Waxa la kala iibsanayo marka  lama garanyo waxaas inuu yaranayo iyo inu badanayo beecana waxaa u shardi ah wax la kala iibsanayo in la garanayo.

Culumada islaamka ee hadalkoodu xisaabta leeyahay waxay isku raaceen inuu xaaraan yahay waa laga yaabaa xaaladaha qaarkood oo baahi adag oo timid daraadeed in in ka mid ah culimadu xalaalayeen, tusaale markaad gaadiidkii wadan karin ee caymis shardi looga dhigo, baahi adagna ay ku haysto caymiska kan ugu yar ayaa xalaal noqon karo waa inta ugu yar ee lama huraanka ah. Qofka muslimka ah hadduu ka maarmi karayo inuu ka fogaado weeye.

Tixraac:

Fatwa logo