Ku laabo bogga hore
Su'aasha

Xukunka daawooyinka cilaajka?

Jawaabta

Waan xanuunsaday oo waxaan xiriir la sameeyay meel cilaaj ah, waxaa la ii qoray daawooyin, waraaq la iigu qoray iyo ducooyin kadibna saliid ku shub  oo ku mayro ayuu i yidhi, daawaynta noocaas ah xukunkeedu waa maxay?

Ducooyinka, Quraanka iyo dhirtaba waa la isku daawayn karaa, Quraanka ugu horeeya, ducooyinka nabiga  ﷺ  ka soo aroorayna way ku xigaan, laakiin dariiqada noocaana ma'ahan tan la iskugu daaweeyo. Nabigu  ﷺ  Quraanka dadkuu ku akhrin jiray asaguna wuu isku akhrin jiray asxaabtuna way ku akhrinayeen marka in la isku akhriyo, waa tan asalka ee nabiga scw ka sugan. Qofku inuu isku akhriyo ama lagu akhriyo. 

Qayb kamid ah culimadu waxay tilmaamen in biyo lagu akhirn karo kadibna qofku ku maydhan karo ama cabi karo kaasna way sheegaan  salafka qaarkood laakiin dariiqadaas saliidda iyo magacyadaa la qorqorayo sax ma'ahan.

Tixraac:

Fatwa logo